Real Madrid ayaa baajiyay safarkii ay ku tagi lahaayeen Baariis si ay uga qayb gasho xaflada Ballon d’Or oo la qorsheeyay in la qabto isniinta taas oo muujinaysa in Vinicius Junior xiddiga reer Braaziil aanu noqon doonin ku guulaystaha abaal marinta qaaliga ah.
Sida laga soo xigtay wargeyska “Marca” ee dalka Isbayn, diyaaradii ay Real Madrid u kireysteen ayaa lagu waday inay ka duusho garoonka Adolfo Suarez de Barajas 15:00 galabnimo, balse kooxda boqortooyada oo cugsaneysa xogta ay ka heshay Baaris ayaa baajisay duulimaadkii kaas oo 50 qof ay ka qayb qaadanayeen.
Wargayska ayaa u fasirtay in baajinta safarka ay muujinayso in Real Madrid ay hore u heysay xog muujineysa in Vinicius aanu ahayn midka loo doortay xiddiga ugu fiican kubbada cagta adduunka.
Suxufiga lagu kalsoon yahay ee Fabricio Romano ayaa sidoo kale ku xaqiijiyay akoonkiisa "X" in Vinicius uusan joogi doonin xaflada caawa ka dhaceyda Baariis.
Wuxuu soo qoray: Vinicius Junior uma safri doono Paris sababtoo ah Real Madrid way ogtahay inuusan ku guuleysan doonin Ballon d’Or, ma jiro qof ka socda Real Madrid oo ka qeyb galaya xaflada, Florentino Perez, Vinicius Junior, Carlo Ancelotti, ama Jude Bellingham, midkoodna kama qeybgali ddono xaflada.
Dhanka kale, wargeyska Isbaanishka ayaa muujiyay in warkaan uu naxdin ku yahay kooxda boqortooyada, taasoo cadaalad darro u aragta in ciyaaryahanka reer Brazil uusan helin abaalmarinta ciyaaryahanka ugu fiican adduunka.
Isbaanishka Rodrigo Hernandez “Rodri,” ku guuleystaha koobka qaramada Yurub kulana guuleystay Isbayn 2024 iyo ciyaaryahankii ugu fiicnaa tartanka, ayaa hadda u muuqda inuu yahay musharaxa ugu cadcad ku guuleysiga abaalmarinta.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester City ayaa soo qaatay xilli ciyaareed cajiib ah, waxaana uu sidoo kale kula guuleystay kooxda Manchester City, Premier League iyo FA Cup.
Xigasho: Marca
wareysi maamulaha cisbitaalka
Tuesday January 22, 2013 - 12:12:38Dhageyso Nabadoon Yaasiin Cabdi Samad oo sheegay in Faroole uu ku fashilmay Siyaasada Puntland
Monday January 14, 2013 - 22:22:58Dhageyso Mahiiga oo faah-faahin ka bixinaya kulan uu la qaatay Madaxweynaha Iyo Ra'iisul Wasaaraha
Monday January 14, 2013 - 22:22:57Dhageyso Wasiirka howlaha guud iyo dib udhiska oo ka hadlay qorshaha dib udhiska dalka
Monday January 14, 2013 - 22:22:56Dhageyso Puntland oo mamnuucday in waqooyiga Gaalkacyo shirar Puntland looga soo horjeedo lagu qabto
Monday January 14, 2013 - 22:22:56Dhageyso Madaxweyne Xasan Sheekh hadalkii uu ujeediyay Jaaliyada Soomaaliyeed ee Kenya
Monday January 14, 2013 - 22:22:55hageyso Taliska Nabadsugida oo beeniyay warar ay baahiyeen warbaahinta qaar
Monday January 14, 2013 - 22:22:53Dhageyso Sheekh C/raxmaan Janaqoow oo faah-faahinaya sababaha Shabaab ay go'aan uga qaateen Al-Amriiki
Monday January 14, 2013 - 22:22:50Dhageyso Abuukar Xasan Cali oo Wasiir ku xigeen loo magacaabay oo xilkaasi iska casilay
Monday January 14, 2013 - 22:22:48Dhageyso Khudbadii uu ka jeediyay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Aqalka Baarlamaanka Soomaaliya
Monday January 14, 2013 - 22:22:45Cali dheere “ Qaraxyadan waxaa Gaystay Taageerayaasha shabaab oo aad u Caraysnaa.
Tuesday January 15, 2013 - 03:23:57Afhayeenka shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere ayaa sheegtay Mas’uuliyada Qaraxii caawa ay ku la deen Wariyayaasha...
Qofkii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo lagudoon siiyay Biladda Nansen Refuqee Award oo maanta loo aqoonsaday Xaawo Aadan Maxamed.
Tuesday January 15, 2013 - 03:23:56Hooyo Soomaaliyeed oo loo aqoonsaday Biladda Nansen Refuqee Award sanadka 2012, Maama Xaawa Aadan Maxamed ayaa...
Soomaalida qaxootiga Norway oo loo la’yahay meel ladejiyo
Tuesday January 15, 2013 - 03:23:53Qaxootiga Norway oo loo la’yahay meel la dejiyo, kadib markii ay soo wajahday guryo la’aan, Wiilkan Soomaalida...
Waxyaabaha soomaalidu ku qiimayso af-miishaarnimada. W/q: cali coomay
Tuesday January 15, 2013 - 01:45:52Dadyowga ilaahay abuuray ma sina, sida faraheenu oo kale, qaarba waa cayn gaar ah
Caqliga badani Oo la ogaaday inuu keeno Xanuunka Wadnaha ku dhaca.
Tuesday January 15, 2013 - 01:45:50Taqaatiir ayaa xaqiijinaysa in caqligu kaalin labaad kaga jiro cudurada wadnaha waxaa ka horeeya oo kaliya sigaar...
Waxey nagu hayeen ayay isku hayaan {Faallo} Qalinkii C/qaadir Dulyar
Tuesday January 15, 2013 - 01:45:47Tan kale mahan wax la wada inki karayo in umad waliba oo meel kuwada nool ay u baahantay xeerar ay heshiis kuwada...
Saaxiibo Is khiyaamay Misna Is Xantay Muxuu Salkoodu Noqon?
Tuesday January 15, 2013 - 01:45:39Qof waliba oo aduunkan ku nool ayaa la shegaa inuu lee yahay sxb gaar ah marka lga reebo saaxiibtinimada kala dhexeysa...
Ma doorashaa dan loo arkaa mase dalkaa lagu dumaa?
Tuesday January 15, 2013 - 01:45:34Runti cinwaankaas shiribka ah oo aan u doortay in uu cinwaan u noqdo qormadaan xasasiga ah waxaa igu bixiyay wixi...
Gayigeena hodonka ah gaajadda maxaa baday, gurboodkeena ubaxaa geerida maxaa baday!!??.
Friday January 11, 2013 - 22:19:44MAANSO AAD U XIISA BADAN Geeraar ma dirinoo gu, Horaan ka haajiray, gabayana ma qorinoo goor horaan warkii dhigay.
NO COMMENTS