Wararka: Xiddiga Real Madrid Vinicius kuma guuleysan doono Ballon d’Or
Monday October 28, 2024 - 18:47:11
Real Madrid ayaa baajiyay safarkii ay ku tagi lahaayeen Baariis si ay uga qayb gasho xaflada Ballon d’Or oo la qorsheeyay in la qabto isniinta taas oo muujinaysa in Vinicius Junior xiddiga reer Braaziil aanu noqon doonin ku guulaystaha abaal marinta qaaliga ah. Sida laga soo xigtay wargeyska “Marca” ee dalka Isbayn, diyaaradii ay Real Madrid u kireysteen ayaa lagu waday inay ka duusho garoonka Adolfo Suarez de Barajas 15:00 galabnimo, balse kooxda boqortooyada oo cugsaneysa xogta ay ka heshay Baaris ayaa baajisay duulimaadkii kaas oo 50 qof ay ka qayb qaadanayeen. Wargayska ayaa u fasirtay in baajinta safarka ay muujinayso in Real Madrid ay hore u heysay xog muujineysa in Vinicius aanu ahayn midka loo doortay xiddiga ugu fiican kubbada cagta adduunka. Suxufiga lagu kalsoon yahay ee Fabricio Romano ayaa sidoo kale ku xaqiijiyay akoonkiisa "X" in Vinicius uusan joogi doonin xaflada caawa ka dhaceyda Baariis. Wuxuu soo qoray: Vinicius Junior uma safri doono Paris sababtoo ah Real Madrid way ogtahay inuusan ku guuleysan doonin Ballon d’Or, ma jiro qof ka socda Real Madrid oo ka qeyb galaya xaflada, Florentino Perez, Vinicius Junior, Carlo Ancelotti, ama Jude Bellingham, midkoodna kama qeybgali ddono xaflada. Dhanka kale, wargeyska Isbaanishka ayaa muujiyay in warkaan uu naxdin ku yahay kooxda boqortooyada, taasoo cadaalad darro u aragta in ciyaaryahanka reer Brazil uusan helin abaalmarinta ciyaaryahanka ugu fiican adduunka. Isbaanishka Rodrigo Hernandez “Rodri,” ku guuleystaha koobka qaramada Yurub kulana guuleystay Isbayn 2024 iyo ciyaaryahankii ugu fiicnaa tartanka, ayaa hadda u muuqda inuu yahay musharaxa ugu cadcad ku guuleysiga abaalmarinta. Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester City ayaa soo qaatay xilli ciyaareed cajiib ah, waxaana uu sidoo kale kula guuleystay kooxda Manchester City, Premier League iyo FA Cup. Xigasho: Marca |