Waxyaabaha soomaalidu ku qiimayso af-miishaarnimada. W/q: cali coomay   Views: (98)
Dadyowga ilaahay abuuray ma sina, sida faraheenu oo kale, qaarba waa cayn gaar ah

Midbaa aqoon leh, midbaa jaahil ah, midbaa maskax fiican leh, midbaaa maan-gaab ah, midbaa xubinta hadalka yaqaan, midbaa munaafaqada xariif ku ah, midbaa beenta iyo huuhaada ku xeel dheer, midbaa iska hor-keenka ku talaxtagay, midbaa cayda iyo shakhsi weerarka ku takhsuusay, midbaa qabyaalad-cayga dugsi uga soo baxayIWM. Af-miishaarnimadu kuma xidhna gabayo iyo maahmaaho la tiriyo, balse waxay ku xidhan tahay hadalo iyo erayo xigmad iyo wax-fahansiin xambaarsan.

80% aftahnnimada waa dhasho, waana hibo ilaahay bixiyo, waa tii hore loo yidhi “ilaahayna lakala baryi og, hadalna la kala odhan og”. Balse waa la baran karaa, haddii la isku taxalluujiyo. Qofka doonaya inuu noqdo aftahan, waa inuu markasta dhagaysto khudbaha shakhsiyaadka af-miishaarka ah, amma akhristo buugta ay qoreen qorayaasha qallinka af-miishaarka ku ah ( qallin ku-hadle). Dhammaan arrimahani waxay qofka ka caawinayaan inuu si tartiib, tartiib ah, u barto aftahnnimada.

Af-miishaarnimadu meel kasta way gashaa, laakiin waa hadba siduu qofku u adeegsado. Waxaad bulshada ku dhex arkaysaa qaybo badan oo aftahnnimo ah. Sida Kuwan oo kale: wadaad aftahan ah, siyaasi aftahan ah, aqoonyahan aftahan ah, tuug aftahan ah, qabyaaladiiste aftahan ah, budhcad aftahan ah, suldaan aftahan ah, macallin aftahan ah, caaqil aftahan ah, jaadle aftahan ah, kaari aftahan ah, weriye aftahan ah, hilible aftahan ah, ganacsade aftahan ah, dirawal aftahan ah, xamaal aftahan ah, arday aftahan ah IWM.

Waxyaabaha lagu qiimeeyo af-miishaarnimada

  1. 1.Mar kastuu hadlayo,wuu qodobeeyaa hadalkiisa.Waanu soo koobaa, isagoo ujeedadii taabanaya.

  2. 2.Mar kasta wuxuu noqda qof mowduuci ah, kama baxo mowduuca laga hadlayo.Mana dar-jiidho

  3. 3.Mar kastuu sheekaynayo, wuxuu ku daraa sheekooyin xiiso leh, oo xidhiidh la leh mowduuca uu ka hadlayo

  4. 4.Mar kasta oo uu khudbad jeedinayo, wuxuu ku bilaabaa waxaanay kuwuu ka horeeyey ku bilaabin

  5. 5.Mar kasta oo sheekaynayo,wuxuu ku ladhaa hadalkiisa maahmaah, xigmad amma tix gabay ah, oo xawaasha iyo geedo u noqota hadalka

  6. 6.Mar kasta wuxuu u hadlaa si furfuran, oo ay ka muuqato, kalsooni. Tusaale kasta oo soo qaato waa lagu qoslaa amma sacab badan ayaa loo tumaa

  7. 7.Mar kasta hadalkiisu ma badna, waayo hadalka farah badani wuxuu lumiyaa xigmada iyo macnaha

  8. 8.Mar kasta erayada xigmada xambaarsan meel fog kama doono, wuxuu ka soo qabtaa meel dhaw

  9. 9.Mar kasta wuxuu la fadhiistaa odayaasha ka weyn, si uu uga barto taariikhdii hore iyo dhacdooyinkii dhaqan ee dadkii hore lahaaheen, si uu tusaale ugu soo qaato markuu hadlayo.

  10. 10.Mar kasta hadalkiisu waa rimood, uu qofku doono ku kaxeeyo amma mawqifka uuwato kaga dhaadhiciyo. Isagoo adeegsanaya erayada beerlaxawsiga ah

  11. 11.Mar kasta ciduu la hadlayo, ayuu sii baadhaa, waxay jecel yihiin inay maqlaan ayuu hadalkiisa ku badiyaa, si dadku ugu soo joogsadaan.


Cali cabdi coomay

calicoomay@hotmail.com

Suxufi, qoraa ah.

B.A in journalism

Hargaysa, Somaliland.

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

Reset

Maqaallo
Cali dheere “ Qaraxyadan waxaa Gaystay Taageerayaasha shabaab oo aad u Caraysnaa.

Cali dheere “ Qaraxyadan waxaa Gaystay Taageerayaasha shabaab oo aad u Caraysnaa.

Tuesday January 15, 2013 - 03:23:57

Afhayeenka shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere ayaa sheegtay Mas’uuliyada Qaraxii caawa ay ku la deen Wariyayaasha...


Qofkii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo lagudoon siiyay Biladda Nansen Refuqee Award oo maanta loo aqoonsaday Xaawo Aadan Maxamed.

Qofkii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo lagudoon siiyay Biladda Nansen Refuqee Award oo maanta loo aqoonsaday Xaawo Aadan Maxamed.

Tuesday January 15, 2013 - 03:23:56

Hooyo Soomaaliyeed oo loo aqoonsaday Biladda Nansen Refuqee Award sanadka 2012, Maama Xaawa Aadan Maxamed ayaa...


Soomaalida qaxootiga Norway oo loo la’yahay meel ladejiyo

Soomaalida qaxootiga Norway oo loo la’yahay meel ladejiyo

Tuesday January 15, 2013 - 03:23:53

Qaxootiga Norway oo loo la’yahay meel la dejiyo, kadib markii ay soo wajahday guryo la’aan, Wiilkan Soomaalida...


Waxyaabaha soomaalidu ku qiimayso af-miishaarnimada. W/q: cali coomay

Waxyaabaha soomaalidu ku qiimayso af-miishaarnimada. W/q: cali coomay

Tuesday January 15, 2013 - 01:45:52

Dadyowga ilaahay abuuray ma sina, sida faraheenu oo kale, qaarba waa cayn gaar ah


Caqliga badani Oo la ogaaday inuu keeno Xanuunka Wadnaha ku dhaca.

Caqliga badani Oo la ogaaday inuu keeno Xanuunka Wadnaha ku dhaca.

Tuesday January 15, 2013 - 01:45:50

Taqaatiir ayaa xaqiijinaysa in caqligu kaalin labaad kaga jiro cudurada wadnaha waxaa ka horeeya oo kaliya sigaar...


Waxey nagu hayeen ayay isku hayaan {Faallo} Qalinkii C/qaadir Dulyar

Waxey nagu hayeen ayay isku hayaan {Faallo} Qalinkii C/qaadir Dulyar

Tuesday January 15, 2013 - 01:45:47

Tan kale mahan wax la wada inki karayo in umad waliba oo meel kuwada nool ay u baahantay xeerar ay heshiis kuwada...


No Image

Saaxiibo Is khiyaamay Misna Is Xantay Muxuu Salkoodu Noqon?

Tuesday January 15, 2013 - 01:45:39

Qof waliba oo aduunkan ku nool ayaa la shegaa inuu lee yahay sxb gaar ah marka lga reebo saaxiibtinimada kala dhexeysa...


Ma doorashaa dan loo arkaa mase dalkaa lagu dumaa?

Ma doorashaa dan loo arkaa mase dalkaa lagu dumaa?

Tuesday January 15, 2013 - 01:45:34

Runti cinwaankaas shiribka ah oo aan u doortay in uu cinwaan u noqdo qormadaan xasasiga ah waxaa igu bixiyay wixi...


Gayigeena hodonka ah gaajadda maxaa baday, gurboodkeena ubaxaa geerida maxaa baday!!??.

Gayigeena hodonka ah gaajadda maxaa baday, gurboodkeena ubaxaa geerida maxaa baday!!??.

Friday January 11, 2013 - 22:19:44

MAANSO AAD U XIISA BADAN Geeraar ma dirinoo gu, Horaan ka haajiray, gabayana ma qorinoo goor horaan warkii dhigay.