Waxyaabaha soomaalidu ku qiimayso af-miishaarnimada. W/q: cali coomay
Tuesday January 15, 2013 - 01:45:52
Midbaa aqoon leh, midbaa jaahil ah, midbaa maskax fiican leh, midbaaa maan-gaab ah, midbaa xubinta hadalka yaqaan, midbaa munaafaqada xariif ku ah, midbaa beenta iyo huuhaada ku xeel dheer, midbaa iska hor-keenka ku talaxtagay, midbaa cayda iyo shakhsi weerarka ku takhsuusay, midbaa qabyaalad-cayga dugsi uga soo baxayIWM. Af-miishaarnimadu kuma xidhna gabayo iyo maahmaaho la tiriyo, balse waxay ku xidhan tahay hadalo iyo erayo xigmad iyo wax-fahansiin xambaarsan.80% aftahnnimada waa dhasho, waana hibo ilaahay bixiyo, waa tii hore loo yidhi “ilaahayna lakala baryi og, hadalna la kala odhan og”. Balse waa la baran karaa, haddii la isku taxalluujiyo. Qofka doonaya inuu noqdo aftahan, waa inuu markasta dhagaysto khudbaha shakhsiyaadka af-miishaarka ah, amma akhristo buugta ay qoreen qorayaasha qallinka af-miishaarka ku ah ( qallin ku-hadle). Dhammaan arrimahani waxay qofka ka caawinayaan inuu si tartiib, tartiib ah, u barto aftahnnimada.Af-miishaarnimadu meel kasta way gashaa, laakiin waa hadba siduu qofku u adeegsado. Waxaad bulshada ku dhex arkaysaa qaybo badan oo aftahnnimo ah. Sida Kuwan oo kale: wadaad aftahan ah, siyaasi aftahan ah, aqoonyahan aftahan ah, tuug aftahan ah, qabyaaladiiste aftahan ah, budhcad aftahan ah, suldaan aftahan ah, macallin aftahan ah, caaqil aftahan ah, jaadle aftahan ah, kaari aftahan ah, weriye aftahan ah, hilible aftahan ah, ganacsade aftahan ah, dirawal aftahan ah, xamaal aftahan ah, arday aftahan ah IWM.Waxyaabaha lagu qiimeeyo af-miishaarnimada
Cali cabdi coomaycalicoomay@hotmail.comSuxufi, qoraa ah.B.A in journalismHargaysa, Somaliland. |