Sir Alex Ferguson: Hab Dhaqankii Luis Suarez ee Sannadkii Hore Waxa Ay Aheyd Mid Nasiib Darro Ah.   Views: (89)
Tababare Sir Alex Ferguson ayaa sheegay in habdhaqankii Luis Suarez ee xilli ciyaareedkii hore inay aheyd mid nasiib darro ah, waxaana uu sheegay inuu rajeynayo in labada kooxood ay iska ilaawaan dhacdooyinkii u danbeeyay marka ay axada ku kulmayaan Old Trafford.

Kulankii xilli ciyaareedkii hore ayaa keentay arimo badan oo muran dhaliyay, iyadoo Suarez lagu eedeeyay inuu cunsurinimo kula kacay Patrice Evra October 2011.

Isagoo ku wargeliyay tababarihii xilligaas Kenny Dalglish inuu salaami doono Evra, ciyaaryahanka reer Uruguay ayaa hadana diiday inuu gacan qaado, taasoo carro badan dhalisay inkastoo Suarez uu raaligelin ka bixiyay markii danbe.

Evra ayaa salaamay Suarez kulankii Anfield ee xilli ciyaareedkan, taasoo haatan keentay in Ferguson uu ku baaqo in la iska ilaawo arintaas ka hor kulanka axada.

“Mar walba waxaa jira wax laga sii hadlo oo ka horeeya kulanka ay ciyaaraan Manchester United iyo Liverpool sababtoo ah taariikhda ka dhaxeysa labada kooxood, waana labada kooxood ee ugu guulaha badan wadanka.” ayuu Sir Alex Ferguson u sheegay Inside United.

“Kulankaan ciyaarta ka hor isaga ayaa la yimaada ajenda u gooni ah oo laga hadlo.

“Sannadkii hore nasiibdarro ayay aheyd habdhaaqankii Luis Suarez. Waxaan rajeynayaa in labada kooxood ay arintaas iska gadaal mariyeen, islamarkaana aan diirada ku heyno kaliya ciyaarta.”

NO COMMENTS

ADD YOUR COMMENT:

*

*

*

Maqaallo
Cali dheere “ Qaraxyadan waxaa Gaystay Taageerayaasha shabaab oo aad u Caraysnaa.

Cali dheere “ Qaraxyadan waxaa Gaystay Taageerayaasha shabaab oo aad u Caraysnaa.

Tuesday January 15, 2013 - 03:23:57

Afhayeenka shabaab Cali Maxamuud Raage Cali Dheere ayaa sheegtay Mas’uuliyada Qaraxii caawa ay ku la deen Wariyayaasha...


Qofkii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo lagudoon siiyay Biladda Nansen Refuqee Award oo maanta loo aqoonsaday Xaawo Aadan Maxamed.

Qofkii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo lagudoon siiyay Biladda Nansen Refuqee Award oo maanta loo aqoonsaday Xaawo Aadan Maxamed.

Tuesday January 15, 2013 - 03:23:56

Hooyo Soomaaliyeed oo loo aqoonsaday Biladda Nansen Refuqee Award sanadka 2012, Maama Xaawa Aadan Maxamed ayaa...


Soomaalida qaxootiga Norway oo loo la’yahay meel ladejiyo

Soomaalida qaxootiga Norway oo loo la’yahay meel ladejiyo

Tuesday January 15, 2013 - 03:23:53

Qaxootiga Norway oo loo la’yahay meel la dejiyo, kadib markii ay soo wajahday guryo la’aan, Wiilkan Soomaalida...


Waxyaabaha soomaalidu ku qiimayso af-miishaarnimada. W/q: cali coomay

Waxyaabaha soomaalidu ku qiimayso af-miishaarnimada. W/q: cali coomay

Tuesday January 15, 2013 - 01:45:52

Dadyowga ilaahay abuuray ma sina, sida faraheenu oo kale, qaarba waa cayn gaar ah


Caqliga badani Oo la ogaaday inuu keeno Xanuunka Wadnaha ku dhaca.

Caqliga badani Oo la ogaaday inuu keeno Xanuunka Wadnaha ku dhaca.

Tuesday January 15, 2013 - 01:45:50

Taqaatiir ayaa xaqiijinaysa in caqligu kaalin labaad kaga jiro cudurada wadnaha waxaa ka horeeya oo kaliya sigaar...


Waxey nagu hayeen ayay isku hayaan {Faallo} Qalinkii C/qaadir Dulyar

Waxey nagu hayeen ayay isku hayaan {Faallo} Qalinkii C/qaadir Dulyar

Tuesday January 15, 2013 - 01:45:47

Tan kale mahan wax la wada inki karayo in umad waliba oo meel kuwada nool ay u baahantay xeerar ay heshiis kuwada...


No Image

Saaxiibo Is khiyaamay Misna Is Xantay Muxuu Salkoodu Noqon?

Tuesday January 15, 2013 - 01:45:39

Qof waliba oo aduunkan ku nool ayaa la shegaa inuu lee yahay sxb gaar ah marka lga reebo saaxiibtinimada kala dhexeysa...


Ma doorashaa dan loo arkaa mase dalkaa lagu dumaa?

Ma doorashaa dan loo arkaa mase dalkaa lagu dumaa?

Tuesday January 15, 2013 - 01:45:34

Runti cinwaankaas shiribka ah oo aan u doortay in uu cinwaan u noqdo qormadaan xasasiga ah waxaa igu bixiyay wixi...


Gayigeena hodonka ah gaajadda maxaa baday, gurboodkeena ubaxaa geerida maxaa baday!!??.

Gayigeena hodonka ah gaajadda maxaa baday, gurboodkeena ubaxaa geerida maxaa baday!!??.

Friday January 11, 2013 - 22:19:44

MAANSO AAD U XIISA BADAN Geeraar ma dirinoo gu, Horaan ka haajiray, gabayana ma qorinoo goor horaan warkii dhigay.