Khasaaro dhimasho ayaa ka dhashay qarax foolkaano oo ka dhacay bariga Indoniisiya qaarkalana tuulooyinkoodi ayaa laga raray.
Monday November 04, 2024 - 13:45:35
Qaraxa foolkaano "Liwotobi Laki-Laki" oo ka dhacay bariga Indoniisiya ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 10 qof, waxaana laga daadgureeyay dadkii daganaa dhowr tuulo. Maanta oo Isniin ah, Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ayaa shaaca ka qaaday tirada dhimashada kadib markii foolkaanada ay si isdaba joog ah u qaraxday habeenkii. Dhibanayaasha ayaa dhintay ka dib markii ay gubteen guryahoodii oo alwaax ka sameysnaa. Foolkaanda ayaa ku taalla jasiiradda Flores, oo ah goob loo dalxiis tago, waxaana dambas uu qariyay qaybo ka mid ah tuulooyinka u dhow, wuxuuna sababay dab ka kacay goobaha u dhac foolkaanada. Maamulka ayaa dadkii ka daadgureeyay 5 tuulo oo ku yaalla agagaarka Foolkaanada, waxaana la daadgureeyay kumannaan qof oo degganaa tuulooyinkaas. Dawladdu waxay ku dhawaaqday xaalad degdeg ah meelaha ay dhibaatadu ka dhacday illaa 31-da December, waxaana Hay'adda Follkaanooyinka ee Qaranka ay sare u qaadday feejignaanta heerkii ugu sarreeyay, iyada oo ka codsatay dalxiisayaasha iyo dadka deeggaanka in aysan u dhawaan meel 7 KM u jirta afka godka. Hay’adda ayaa warbixin ay soo saartay maanta oo isniin ah ku sheegtay in uu si weyn u kordhay dhaqdhaqaaqa foolkaanaha ee buurta Liwotobi-Laki-Laki. |