Barabowo Subiyaanto ayaa loo dhaariyay inuu noqdo madaxweynihii 8-aad ee Indoniisiya.
Sunday October 20, 2024 - 12:02:50
Barabowo Subiyaanto ayaa loo dhaariyay inuu noqdo madaxweynihii 8-aad ee Indoniisiya.
Ganaral kii hore barabowo Subiyaanto oo 73 jir ah ayaa maanta oo Axad ah baarlamaanka hortiisa loogu dhaariyay madaxweynaha cusub ee Indoniisiya, ka dib markii uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee dhacday bishii Febraayo ee la soo dhaafay. Munaasabada uu xilka kula wareegayay Subiyaanto oo ah madaxweynihii 8-aad ee dalka ugu Muslimiinta badan ayaa dhacday, iyadoo ay ka soo qeyb galeen madax iyo mas’uuliyiin ka kala socday in ka badan 40 wadan oo ay ka mid yihiin Ingiriiska, Faransiiska, Mareykanka, Sacuudiga iyo Ruushka. Kumanaan reer Indoniisiya ah oo taageersan Subiyaanto - oo horay u soo noqday wasiirka Difaaca ayaa si gacmo furan ku soo dhaweeyay madaxweynahooda cusub isuguna soo baxay waddooyinka, waxayna lulayeen calammo ka dib markii lagu dhaariyay kitaabka Qur'aanka Kariimka laguna hor dhaariyay wakiillo iyo marti-sharaf shisheeye. xaflada caleema saarka ayaa ka dhacday magaalada Jakarta. Subiyaanto waxa uu muddo dheer la tartamayey Madaxweynihii hore ee Joko Widodo, kaas oo ku naaloonaya shacbiyad aad u weyn, wuxuu laba jeer kula tartamay jagada Madaxweynaha, isla markaana diiday inuu qirto guul-darradii ka soo gaartay labadii jeer ee hore 2014 iyo 2019. Balse xafiiltanka ayaa si deg deg ah isu bedelay isbahaysi, inkastoo ay kala duwantahay aragtidooda siyaasadeed, hadana Widodo ayaa Subiyaanto u magacaabay wasiirka gaashaandhigga ka dib markii dib loo doortay. Widodo ( madaxweynaha xilka ka degaya ) waxa uu taageeray Subiyaanto, isaga oo u suurtageliyay ugu dambeyn in uu guul weyn ka gaaro doorashadii madaxtinimo ee dhawaan dhacday, xilligaasi oo uu ballan qaaday in uu sii wadi doono siyaasadihii madaxweynihii ka horreeyay isaga. |