Waraabiye News Agency
RASMI: Donald Trump madaxweynaha Mareykanka.
RASMI: Donald Trump madaxweynaha Mareykanka.

Musharaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa ku guuleystay doorashada si uu u noqdo madaxweynaha 47-aad ee Mareykanka, isagoo helay 277 cod marka loo eego 224 cod oo ay heshay Murashaxada xisbiga dimoqoraadiga Kamala Harris.

Dhowr shabakado talefishin ah ayaa ku dhawaaqay guusha Trump, 78-jirkan ah madaxweynihii hore ee mareykanka ayaa dib ugu soo laabtay madaxtinimada mareykanka ka dib olole dheer oo lagu yaqaanay isbeddello badan, waxa uuna la kulmay eedeymo iyo xukuno maxkamadeed iyo laba isku day dil.

Trump ayaa noqday madaxwenihii labaad taariikhda Maraykanka ee la doorto laba xilli oo aan isku xigin tan iyo Grover Cleveland 1892-kii.

Gobolka Wisconsin ayaan si rasmi ah ugu xaqiijiyay madaxtinimada kadib markii uu helay 10-ka cod ee gobolkaas, taas oo u suurto galisay inuu gaaro 277 cod, 7 codna uu ka saramaro tirada lagu guuleysto oo ah 270 cod.

Trump ayaa sidoo kale la filayaa inuu ku guuleysto gobolada dhiman sida, Michigan, Arizona, iyo Nevada, taas oo u suurto galin doonta hadii ay dhacdo inuu gaaro in kabadan 300 oo cod.