Waraabiye News Agency
Tiro ahaan...doorashooyinka 2024 waa kuwii ugu qaalisanaa taariikhda.
Tiro ahaan...doorashooyinka 2024 waa kuwii ugu qaalisanaa taariikhda.

Doorashooyinka Maraykanka ee 2024-ka ayaa la filayaa inay noqdaan kuwii ugu qaalisanaa taariikhda, iyadoo wadarta kharashka ku baxay uu ku dhow yahay $15.9 bilyan.

Kharashaadkan oo isugu jira dhammaan doorashooyinkii dhacay talaadadi, laga soo bilaabo tartanka madaxtooyada ilaa doorashooyinka deegaanka iyo doorashada xubnaha Congress-ka, ayaa kor u dhaafaya 15.1 bilyankii dollar ee la kharash gareeyey sannadka 2020, iyo in ka badan labalaab kharashaadka doorashadii 2016-kii. ($6.5 bilyan), sida uu qabo ururka "Siraha Furan" ee aan macaash doonka ahayn.

Tartanka madaxtinimada oo aad u kulul, musharaxa Dimuqraadiga Kamala Harris ayaa hogaaminaysa dhanka tabarucaad ururinta, iyadoo ololaheedu uu awooday in uu si toos ah u ururiyo in ka badan $1 bilyan, oo 40% ay ka yimaadeen deeq-bixiyeyaal yar yar, Waxaa lagu daray $586 milyan oo dheeri ah oo laga helay guddiyada waxqabadyada siyaasadeed ee taageeraya.

Taas bedelkeeda, ololaha musharaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump wuxuu awooday inuu si toos ah u ururiyo $382 milyan, 28% ka mid ah waxay ka timid deeq-bixiyeyaasha yaryar, halka guddiyada waxqabadyada siyaasadeed ay ku biiriyeen $ 694 milyan.

Deeq-bixiyaha ugu weyn waa Timothy Mellon, oo ah 82-jir kaasoo $197 milyan ugu deeqay Trump iyo Jamhuuriyiinta.

Taageerayaasha kale ee waaweyn ee Jamhuuriyiinta waxaa ka mid ah Richard iyo Elizabeth Uehlein, aabaha casiinooyinka Miriam Adelson, madaxa fulinta Tesla iyo SpaceX Elon Musk, iyo maalgashade Kenneth Griffin, kuwaas oo mid kasta oo ka mid ah uu in ka badan $ 100 million ugu deeqay Trump iyo Jamhuuriyiinta.

Dhanka Dimuqraadiga, Michael Bloomberg wuxuu ku soo baxay deeq bixiyaha ugu weyn, isaga oo ku tabarucay ku dhawaad ​​$93 milyan. George Soros ayaa isagana ugu deeqay $ 56 milyan.

Wadar ahaan, $10.5 bilyan ayaa lagu kharash gareeyay xayasiisyada ololaha doorashooyinka laga bilaabo doorashada madaxtooyada ilaa doorashooyinka deegaanka, sida lagu sheegay xogta ay ururisay Ad Impact, oo ah shirkad dabagasha xayasiisyada.

Ololaha madaxtinimo ee Harris iyo Trump waxay ku kharash gareeyeen $2.6 bilyan xayasiinta lagasoo bilaabo bishii Maarso ee la soo dhaafay ilaa 1-dii Noofembar . Dimoqraadiyiintu waxay ku kharash gareeyeen $1.6 bilyan, halka Jamhuuriyiintu ay bixiyeen $993 milyan.

Pennsylvania ayaa kaalinta koowaad kaga jirta liiska kharashaadka ku baxa gobolada aan dhinac u janjeerin waxaana lagu bixiyay $264 milyan, waxa ku xiga Michigan oo lagu bixiyay $151 milyan, ka dib Georgia oo lagu bixiyay $137 milyan.

Facebook iyo Instagram, Dimuqraadiyiintu waxay ku kharash gareeyeen $ 132.4 milyan marka la barbar dhigo $ 24.7 milyan oo ay ku kharash gareeyeen Jamhuuriyiintu, halka Jamhuuriyiintu ay horeeyaan kharashka ku baxa X waxeyna ku kharash gareeyeen $ 1.1 milyan marka la barbar dhigo $ 150,000 kun oo ay ku kharash gareeyeeen Dimuqraadiyiintu, sida laga soo xigtay "Impact Ad."