Waraabiye News Agency
Hal qof ayaa ku dhintay 29 kalena waa ay ku dhaawacmeen duqen Ruushka uu la beegsaday Kharkiv, iyo Zelensky oo ugu baaqay xulafada inay tallaabo qaadaan.
Hal qof ayaa ku dhintay 29 kalena waa ay ku dhaawacmeen duqen Ruushka uu la beegsaday Kharkiv, iyo Zelensky oo ugu baaqay xulafada inay tallaabo qaadaan.

Mas’uuliyiinta Yukreyn ayaa Khamiista maanta ah sheegay in duqeymo uu Ruushku ka geystay dhismo ku yaalla magaalada labaad ee ugu weyn dalkaas ee Kharkiv, uu ku dhintay ilmo yar, ayna ku dhaawacmeen ugu yaraan 29 qof shalay galab, isagoo intaas ku daray in laga yaabo in dad badan ay ku hoos jiraan burburka.

Madaxweynaha Yukreyn Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in bam la hagayay - hub aad u xoog badan oo Ruushku si weyn u isticmaalo - uu ku dhacay dhismo ku yaal magaalada ugu weyn waqooyi bari dalka.

Sida laga soo xigtay tirooyinkii ugu dambeeyay ee uu sii daayay duqa deegaanka Oleg Senegubov. Wuxuu sheegay in wiilka dhintay uu ahaa 11 sano jir, isagoo oo sheegay inay jiraan dhibanayaal badan oo "ku hoos jira burburka."

Muuqaal la isku dhaafday internetka ayaa muujinayay dalool weyn oo ku yaalla wejiga dhismahan dheer. Duqa magaalada Igor Terekhov ayaa mar sii horeysay sheegay in dadka ay ku xayiran yihiin dabaqyada sare ee dhismaha waxaana uu intaa ku daray in duqeynta ay burburisay dhowr dabaq.

Fiidnimadii shalay, Arbacadii, Zelensky wuxuu ugu baaqay xulafadiisa reer galbeedka inay "qaadaan tallaabo ay kaga jawaabayaan duqeyntan." Wuxuu ku sheegay Telegram, "Go'aan kasta oo ay daahiyaan waxay ka dhigan tahay ugu yaraan tobanaan ama xitaa boqollaal bambaanooyin Ruush ah oo ka dhan ah Yukreyn," isaga oo ka soo qaaday in "go'aanadooda ay la macno yihiin nolosha dadkiisa." Zelensky wuxuu waydiistay wadamada reer galbeedka in ay Yukreyn siiyaan difaacyo wanaagsan, gaar ahaan hubka riddada dheer.