Waraabiye News Agency
Guterres ayaa cambaareeyay xasuuqa ay Israa’iil ku hayso dadka reer Falastiin ee ku sugan Beytu Laahiya.
Guterres ayaa cambaareeyay xasuuqa ay Israa’iil ku hayso dadka reer Falastiin ee ku sugan Beytu Laahiya.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa cambaareeyay weerarkii Israa’iil ay ku qaadday magaalada Beyt Laahiya ee waqooyiga Marinka Qasa, kaasoo sababay xasuuq ba’an oo lagu dilay dad badan oo Falastiiniyiin ah oo rayid ah oo ay ku jiraan carruur iyo haween.

Tani waxay ku timid bayaan uu soo saaray afhayeenka Qaramada Midoobay, Stephane Dujarric, Arbacadii, oo ku saabsan mawqifka Xoghayaha Guud ee Ururka ee ku aaddan xasuuqii ay ciidammada Israa'iil ka geysteen Beyt Laahiua Talaadadii.

Bayaanka ayaa lagu muujiyay in Guterres uu dareemay "naxdin qoto dheer" marki uu soo gaaray warka ku saabsan dilka dad badan oo ay ku jiraan carruur, taasoo ka dhalatay weerarkii Israa'iil ee Beit Lahia.

Sida lagu sheegay bayaanka, Guterres waxa uu si weyn u cambaareeyey dilka, dhaawaca iyo barakicinta loo geystay dad badan oo rayid ah.

Waxa uu ugu baaqay dhammaan dhinacyada in ay gutaan waajibaadkooda sida uu qabo sharciga caalamiga ah, ayna ilaaliyaan dadka rayidka ah, isaga oo carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in lagu dhawaaqo xabbad joojin degdeg ah.