Waraabiye News Agency
CNN: Iiran waxay u jawaabi doontaa Israa'iil ka hor doorashada Maraykanka.
CNN: Iiran waxay u jawaabi doontaa Israa'iil ka hor doorashada Maraykanka.

Shabakadda CNN ee Maraykanka ayaa soo xigatay ilo eeysan magacaabin oo xoojinaya jawaabta Iiran ee weerarkii dhawaan ay Israa'iil ku qaadday Dahraan ay iman doonto ka hor doorashada madaxtinimada Maraykanka 5-ta November.

Ilahan ayaa CNN u xaqiijiyay in weerarkii ugu dambeeyay ee Israa’iil ay ku qaaday Iiran ay la kulmi doonto jawaab uu ku tilmaamay “mid kama dambeys ah oo xanuun badan”.

Iiran ayaa xaqiijisay inay kaga jawaabi doonto "awood kasta oo la heli karo" weerarkii Israa'iil ee lagu beegsaday goobo milatari oo ku yaal 3 magaalo oo ka tirsan Iiran 26-dii Oktoobar.

Iiran ayaa sheegtay in jawaabta ay ka bixindoonto weerarkii Israa’iil ay ku timid qaab is-difaac ah, sida uu u sheegay wasiirka arrimaha dibadda Cabaas Ciraqji Qaramada Midoobay.

Mareykanka ayaa ku booriyay Iiran inaysan ka jawaabin weerarkii Israa'iil, si ay u joojiyaan duqeymaha ay isweydaarsanayaan.

Waaberigii Sabtidii lasoo dhaaftay, ayay ciidammada Israa’iil ku dhawaaqeen weerar ay diyaarado dagaal u adeegsadeen iney ku qaadeen dalka Iiran, kuwaas oo iyaguna sheegay in ay ku guulaysteen in ay iska caabiyaan isku daygii ay Israa’iil ku doonaysay in ay ku weerarto goobo ka mid ah Dahraan iyo dalka oo dhan, weerarkaas oo sababay dhimashada 4 askari iyo hal qof oo rayid ah. sida lagu sheegay xogta rasmiga ah.