Waraabiye News Agency
Israa'iil ayaa ugu baaqday Albanese in ay is casisho kadib markii ay ku eedeeysay in ay xasuuq ka geysatay Qasa.
Israa'iil ayaa ugu baaqday Albanese in ay is casisho kadib markii ay ku eedeeysay in ay xasuuq ka geysatay Qasa.

Safiirka Israa'iil u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa dalbaday - Arbacadii - in ay is casisho Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dhulka la haysto ee Falastiin , oo cambaaraysay xasuuqa la gu hayo Falastiiniyiinta

Danny Danon ( siyaasi Israaa'iili ah ) ayaa ku daabacay X baaq uu ugu baaqayo Ergeyga Gaarka ah ee xaaladda xuquuqul insaanka ee dhulka la haysto ee Falastiin in ey si degdeg ah isku casisho.

Baaqan ayaa yimid ka dib markii Albanese eey ka hor sheegay guddi ka tirsan Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, "Horumarradii bilihii la soo dhaafay waxay xoojinayaan qiimeynteyda in Israa'iil ay wado olole xasuuq ah oo ka dhan ah Falastiiniyiinta."

Albanese waxay sidoo kale isku difaacday shir jaraa'id oo ay qabatay Arbacadii, waxayna tiri, "Run ahaantii kuma faraxsani inaan wadahadalo dheeraad ah ka yeesho weerarrada igu wajahan aniga, sababtoo ah aniga maahan qadiyada, qadiyada dhabta ah waa in ay jiraan Falastiiniyiin halis ugu jira in laga dabarjaro dhulkooda.”