Waraabiye News Agency
Tobanaan shahiid oo ku dhintay xasuuq cusub oo ay Israa’iil ka geysatay magaalada Beyt Laahiya.
Tobanaan shahiid oo ku dhintay xasuuq cusub oo ay Israa’iil ka geysatay magaalada Beyt Laahiya.
Ciidamada Israa’iil ayaa xasuuq cusub ka geystay magaalada Laahiya ee waqooyiga Marinka Qasa, waxayna weeraro xooggan la beegsadeen goobo kala duwan oo ka tirsan Marinka Qasa.

Weriyaha Aljazeera ayaa xaqiijiyay in meydadka 55 shahiid la soo saaray kadib duqeyn Israa'iil ay la beegsatay guri shan dabaq ka kooban oo qoyska Abu Nasr ay ku lahaayeen Beyt Laahiya waqooyiga Marinka Qasa subaxnimadii Talaadada.

Wuxuu sheegay in tobaneeyo qof oo la la’yahay ay ku hoos jiraan burburka dhismaha.

Xussaam Abu Safiya, oo ah maamulaha cisbitaalka Kamaal Cadwaan, ayaa xaqiijiyay in ciidanka gumeysiga Israa'iil ay duqeeyeen agagaarka isbitaalka intii ay la tacaalayeen dadkii ku dhaawacmay xasuuqa, wuxuuna muujiyay in cisbitaalku uu awoodi waayay inuu wax ka qabto tobaneeyo qof oo dhaawac ah, sababo la xiriira adeega caafimaad oo ku yar.

Dhinaca kale 7 qof oo Falastiiniyiin ah oo uu ku jiro ilmo yar ayaa ku shahiiday duqeyn ay Israa’iil ka geysatay koonfurta xerada Nuseyraat ee bartamaha Marinka Qasa.

Rafax dhanka koonfurtna, weriyaha Aljasiira ayaa soo sheegay in 3 falastiiniyiin ah ay ku shahiideen, qaar kalena ay ku dhaawacmeen, duqeyn ay Israa’iil la beegsatay deegaanka Khirbet Al-cadas waqooyiga magaalada Rafah ee marinka Qasa. Dadka dhaawaca ah iyo meydadka shuhadada ayaa loo gudbiyay xarunta caafimaadka ee Nasser Medical Complex, oo ku taal Khaan Yuunis.

Ilaha caafimaadka ayaa sheegay in 36 Falastiiniyiin ah ay ku shahiideen duqeymaha ay Israa’iil ka wado deegaano ku yaala waqooyiga, bartamaha iyo koonfurta marinka Qasa tan iyo subaxnimadii isniinta, 15 ka mid ah ay ku shahiideen waqooyiga Marinka Qasa.

Guutada Al-Qassam ayaa baahisay sawirrada burburka ay u geysteen taangi “Merkava” oo ay ku burburiyeen bariga Jabaaliya, waqooyiga Marinka Qasa.

Ciidamada Israa'iil ayaa ku dhawaaqay dhimashada taliye ka tirsan ciidamada guutada 52-aad ee Israa'iil, wuxuuna u geeriyooday dhaawacyo 10 maalmood ka hor ka soo gaaray dagaallo ka dhacay waqooyiga Marinka Qasa.