Waraabiye News Agency
Netanyahu ayaa diiday qorshe xabbad joojin oo laba maalmood ah Qasa oo uu usoo bandhigay Siisi.
Siisi Netanyahu ayaa diiday qorshe xabbad joojin oo laba maalmood ah Qasa oo uu usoo bandhigay Siisi.
Warbaahinta Israa’iil ayaa sheegtay in Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu uu diiday hindisaha Masar ee xabbad-joojinta muddada gaaban marinka Qasa.

Madaxweynaha Masar Cabdel Fattax Siisi ayaa ku dhawaaqay shalay, shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen madaxweynaha Algeriya Cabdelmajiid Tabuuni, in dalkiisu uu soo bandhigay qorshe xabbad-joojin ku meel gaadh oo ka dhacda Marinka una dhexeeysa Israa’iil iyo kooxaha wax iska caabinta Falastiiniyiinta, oo ku bilaabanaysa laba maalmood, ka dibna 10 maalmood, waxaana dhacaya inta ey socoto xabbad-joojinta wada xaajoodyo la isku dhaafsanayo tiro maxaabiis ah oo labada dhinac ah.

In kasta oo inta badan wasiirrada Israa’iil ay taageereen hindisaha Masar, Tel Aviv waxa ay go’aansatay in ay diido hindisaha heshiiska, sababo la xiriira mucaaradada Netanyahu, oo ku nuuxnuuxsaday in xabbad-joojinu ay dhici karto kaliya dagaalka oo socda, sida uu sheegay kanaalka 12-aad ee Cibriga.

Kanaalka ayaa xaqiijiyay in hay’adaha ammaanka ee Israa’iil ay sidoo kale taageereen soo jeedinta Masar, inkastoo ay socdaan dadaallada dhexdhexaadinta ee ay wadaan Qadar iyo Masar muddo bilo ah, iyagoo soo bandhigay qorshayaal heshiis oo isdaba joog ah oo lagu soo afjarayo dagaalka Qasa la iskuna dhaafsanayo maxaabiista, Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa sii wada soo dejinta shuruudo cusub oo ay ka mid yihiin "in Israa'iil ay gacanta ku siiheydo xadka feladelfiya ee u dhaxeya Qasa iyo Masar, iyo marinka Rafax ee Qasa, iyo ka hortagga iney dagaalyahannada Falastiiniyiinta ku soo noqdaan waqooyiga Qasa.

Waxaa xusid mudan in Doha ay marti galisay shalay oo Axad ahayd, kulamo dhex maray Ra’iisul Wasaaraha Qadar ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda, Moxamed bin Cabdul Raxmaan Al Thani, iyo agaasimayaasha CIA, William Burns, iyo Mossad, David Barnea.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ka soo xigatay sarkaal xog ogaal ah in wada-hadalladan lagu raadin doono heshiis cusub oo muddo gaaban ah oo xabbad joojin ah oo laga gaaro marinka Qasa iyo sii deynta qaar ka mid ah maxaabiista ay Xamaas haystaan iyadoo lagu badalanayo ​​in la sii daayo maxaabiista Falastiiniyiinta, halka Fox News ay ka soo xigatay ilo xog ogaal ah, in hadafka ugu weyn ee shirka uu yahay in laga wadahadlo xabad joojin lagu wado iney soconeyso wax ka yar bil.