Waraabiye News Agency
Tobanaan shahiid iyo dhaawacyo ayaa ka dhashay duqaymo uu gumeysiga Israa'iil la beegsaday guryo ku yaala Beytu Laahiya, waqooyiga Qasa.
Tobanaan shahiid iyo dhaawacyo ayaa ka dhashay duqaymo uu gumeysiga Israa'iil la beegsaday guryo ku yaala Beytu Laahiya, waqooyiga Qasa.
In ka badan 35 falastiiniyiin ah ayaa ku shahiiday tobanaan kalena way ku dhaawacmeen duqayn ay Israa’iil la beegsatay 5 guri oo ku yaalla Beytu Laahiya oo ku taal waqooyiga marinka Qasa, iyadoo weerarkan uu kusoo beegmayo xilli magaalada Rafax ee koonfurta Marinka Qasa lagu garaacay madaafiic iyo duqaymo cirka ah oo ay geysanayaan ciidamada guumaysiga Israa’iil.

Sarkaal ka tirsan wasaaradda caafimaadka ee Qasa ayaa xaqiijiyay in ciidamada gumaysigu ay xasuuq ba’an u geysteen dadkii ku noolaa guryahaas, iyadoo gabi ahaanba ay maqan tahay adeegga ambalaasta waqooyiga Marinka Qasa.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in tiro aad u badan wali lagu la’yahay deegaankan la duqeeyey oo ay ku noolaayeen dad badan oo barakacayaal ah, taas oo ay sabab u tahay xoojinta duullaanka gardarrada ah ee ka dhanka ah waqooyiga marinka Qasa.

Weriyaha Aljazeera ayaa sheegay in 10 qof ay ku shahiideen duqeyn ay Israa’iil la beegsatay guri ay degan yihiin dad barakacayaal ah oo ku yaalla Beytu Laahiya ee waqooyiga Marinka Qasa, wuxuuna tilmaamay in diyaaradaha dagaalka Israa’iil ay la beegsadeen tiro duqeymo ah, goobo ku dhow Iskuulka Al-Sheymaa, oo hoy u ah dad badan oo barakacayaal ah waqooyiga Beytu Laahiya.