Waraabiye News Agency
Israa'iil oo weerar ku qaaday Iiran iyo qaraxyo gilgilay Dahraan
Israa'iil oo weerar ku qaaday Iiran iyo qaraxyo gilgilay Dahraan
Israa’iil ayaa weerar duqeymo isdaba joog ah ku qaaday Iiran aroortkii hore ee saaka oo Sabtida ah, waxaana dhawaqa qaraxyo laga maqlay caasimadda Iiran ee Dahraan, inkastoo aan la ogeyn khasaaraha uu geystay weerarkan.

Afar saac kadib markii uu bilowday howlgalkan oo ay Israa’iil ugu yeertay “Maalmihii jawaab celinta” ayaa ciidanka Israa’iil waxa ay ku dhawaaqeen in ay soo afjareen weerarkii ay ku qaadeen bartilmaameedyo milatari oo ku yaala dalka Iiran, waxeyna dhamaan diyaaradaheedii fuliyay weerarka ay dib ugu laabteen saldhigyadoodii si nabad ah, iyo in howlgalka uu xaqiijiyay dhammaan ujeeddooyinkiisa.

Afhayeenka milatariga Israa'iil, Daniel Hagari, ayaa sheegay in weerarka la qaaday iyadoo ay jiheynayaan siyaasiyiin sarsare, jawaab celina ay u eheed weeraradii maamulka Iiran ee ka dhanka ahaa Israa'iil iyo muwaadiniintiisa.

Sarkaal sare oo Mareykan ah ayaa sheegay in jawaabta Israa'iil ay ka bixisay weeraradii Iiran ay dhamaatay, wuxuuna dahraan ka codsaday inaysan ka jawaab celin ama aysan sii hurin xaalada, isagoo carabka ku adkeeyay in haddii Iiran ay go'aansato inay ka jawaabto, "waxaan si buuxda ugu diyaar garoobi doonaa inaan difaacno Israa'iil markale waxaana ka dhalan doona cawaaqib xumo."

Waxa uu intaa ku daray in ay haboontahay in la soo afjaro duqeymaha tooska ah ee ay is dhaafsanayaan Israa'iil iyo Iiran.

Weerarka Israa’iil ayaa bilowday wax yar ka hor labadii habeenimo waqtiga Dahraan, wax yar ka dib, afhayeenka ciidamada Israa'iil Daniel Hagari ayaa ku dhawaaqay bilawga weerar lala beegsaday Iiran.

Mudo kadib warbaahinta Israa'iil waxay soo tebiyeen in mowjad labaad oo duqeymo ay Israa'iil ku qaaday Iiran, waxey beegsadeen goobo, qaar ka mid ah ay ku yaalaan Shiraas ka dibna mareegaha exsiyoos ee Maraykanka ayaa ka soo xigtay saraakiisha Israa'iil iyo Maraykanka in Israa'iil ay Iiran la beegsatay 3 mowjadood oo weerar ah. mowjada koowaad ee weerarradaas Israa'iil waxey la beegsatay nidaamka difaaca hawada ee Iiran.

Qiyaastii 4 saacadood ka dib, warbaahinta Israa'iil ayaa xaqiijisay in la soo afjaray weerarka Israa'iil ay ku qaaday Iiran, kaas oo ay ka qayb qaateen boqolaal diyaaradood oo kuwa dagaalka ah, The New York Times ayaa sidoo kale ka soo xigatay saraakiisha Israa'iil in weerarka lala beegsaday Iiran uu dhamaaday kadib markii ay garaaceen ilaa 20 goobood.

Magaalada Dahraan, difaaca cirka ee Iran ayaa sheegay in "ay iska caabiyeen isku daygii gumeysiga Israa'iil ay ku bartilmaameedsanayeen dhowr goobood oo ku teedsan Dahraan iyo dalka oo dhan."

Xarunta Difaaca Cirka ee Dahraan ayaa sheegtay in dhawaqa qaraxyada laga maqlay Dahraan ay ka dhasheen " ka hortaga isku dayga gumeysiga Israa'iil ee uu ku beegsanayay 3 goobood," wuxuu sheegay sidookale in gumeysiga Israa'iil uu weeraray goobo milatari oo ku yaala gobollada Dahraan, Khusistan, iyo Ciilaam, wuxuu ku daray sidookale in weerarka uu geystay qasaare fudud.

Maamulka duulista hawada ee rayidka Iiran ayaa ku dhawaaqay in la joojiyay dhammaan duullimaadyadii ilaa amar dambe.

Wakaaladaha maxaliga ah ee Iran ayaa faafiyay muuqaalo kala duwan oo laga soo qaaday deegaano ka tirsan caasimada Iiran ee Dahraan iyo nawaaxigeeda,iyaga oo muujinayay in xaaladu ay degan tahay oo aanay ka muuqan wax qiiq iyo dab ah,kadib markii ay Israa’iil sheegtay in ay weeraro ku qaaday bartilmaameedyo ku yaala gobolka.