Waraabiye News Agency
Iiran ayaa wacad ku martay in ay ka jawaabi doonto weerar kasta oo Israa'iil soo qaado.
Madaxweynaha Iiran Mascuud Bazshikiyaan Iiran ayaa wacad ku martay in ay ka jawaabi doonto weerar kasta oo Israa'iil soo qaado.
Madaxweynaha Iiran Mascuud Bazshikiyaan ayaa wacad ku maray maanta oo Talaado ah in ay si munaasib ah uga jawaabi doonaan weerar kasta oo ay Israa’iil kaga jawaabto gantaaldii ay Dahran ku garaacday Israa'iil bilowgii bishan.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiran Cabbaas ciraqji ayaa sidoo kale ka digay talaadada maanta isagoo jooga Kuwayt in Dahran ay jawaab u dhiganta ka bixin doonto weerar kasta oo kaga yimaada dhanka Israa'iil.

CIraqji ayaa intaa ku daray in weerarka milatari ee lagu qaaday xarumaha Nukliyeerka ee Iiran iyo qatargalintoodatooda ay tahay "dambi weyn" oo ay tahay in lagu daba galo fagaarayaasha caalamiga ah.

Wasiirka ayaa tilmaamay in dhammaan dalalka gobolka ay Dahran ku wargeliyeen diidmadooda ku aaddan weerar kasta oo lagu soo qaado Iiran iyo xarumaheeda Nukliyeerka, wuxuuna yiri “Dhammaan saaxiibadayada waxay noo xaqiijiyeen in dhulkooda iyo hawadooda aan loo adeegsan doonin weerarro lagu qaado Iiran.

Waxa uu tilmaamay in Iiran ay si dhow ula socoto dhammaan dhaqdhaqaaqyada Mareykanka ee gobolka, haddii ay ahaan lahayd badda iyo hawada, isagoo carabka ku adkeeyay in xaaladda Qasa iyo Lubnaan ay tahay mid masiibo ah, loona baahan yahay in la soo afjaro gardarradan.

Ciraqji ayaa soo gaaray Kuwayt isagoo ka yimid Baxrayn, taasoo qayb ka ah socdaal uu ku marayey toddobaadyadii la soo dhaafay dhawr waddan oo gobolka ah, sida Masar, Urdun, Lubnaan, Suuriya, Sucuudiga, Qadar, Ciraaq, Saldanada Cumaan. iyo Turkiga.

1-dii Oktoobar, Iiran ayaa ku ridday Israa'iil ilaa 200 oo gantaal oo ballistic ah, waxayna sheegtay in tani ay tahay aargoosiga dilkii madaxa Xafiiska Siyaasadda ee Dhaqdhaqaaqa wax iska caabinta Islaamka (Xamas), Ismaaciil Haniyah, oo lagu dilay Dahran, iyo Xoghayaha Guud. Xisbullah ee Lubnaan, Hassan Nasrallah, oo uu weheliyo taliyaha guud ee ilaalada kacaanka Cabbas Nilfroshan oo ay Israa'iil ku dishay duullaan loo adeegsaday gantaalo oo ay ku qaadday duleedka koonfureed ee Beyruut 27-kii Sebtembar.

Wixii markaas ka dambeeyay, Israa’iil waxay ku hanjabtay inay weerari doonto Iran, balse ma aysan qaadin wax talaabo ah ilaa iyo hada, iyadoo ay jirto filashooyin iyo bayaanno soo noqnoqday oo muujinaya in weerarkaas uu dhawyahay.