Waraabiye News Agency
Washington: U dirida ciidamada Kuuriyada Waqooyi si ay u taageeraan Ruushka waa "hurin dagaal oo khatar ah"
Washington: U dirida ciidamada Kuuriyada Waqooyi si ay u taageeraan Ruushka waa "hurin dagaal oo khatar ah"
Mareykanka ayaa Isniintii sheegay dira Kuuriyada Waqooyi ay u dirayso ciidamadeeda si ay u taageeraan ciidamada Ruushka ee ka dagaalama Yukrayn ay ka dhigan tahay " hurin dagaal oo khatar ah", halka Kuuriyada Koonfureed ay dalbatay in si degdeg ah loo soo saaro ciidamadaas.

Ku xigeenka safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay Robert Wood ayaa sheegay in Washington ay aragtay warbixino muujinaya in Kuuriyada Waqooyi ay ciidamo u direyso ruushka, ayna isku diyaarineyso inay ciidamo dheeraad ah u dirto Yukrayn si ay uga barbar dagaalamaan ciidamada Ruushka.

Waxa uu intaa ku daray, "Haddii ay run tahay, arrintani waxay ka dhigan tahay hurin dagaal oo khatar ah oo kor u qaadaya walaaca qoto dheer, wuxuuna ka tarjumaysa xiriirka milatari ee u dhexeeya Waqooyiga Kuuriya iyo Ruushka.

Safiirka Faransiiska u fadhiya Qaramada Midoobay Nicolas de Rivière ayaa sidoo kale khudbad uu ka hor jeediyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ku sheegay in keenista askarta Kuuriyada Waqooyi ay ka dhigan tahay hurin lasii hurinayo xiisada u dhaxeyda labada wadan.

Madaxa Nato Mark Rutte ayaa sidoo kale sheegay Khamiista in aysan jirin wax caddaynaya joogitaanka ciidamada Waqooyiga Kuuriya marxaladdan.

Dhankeeda, Kuuriyada Koonfureed ayaa Isniintii ku baaqday in si degdeg ah ciidamada Kuuriyada Waqooyi looga saaro Ruushka, waxayna u yeertay safiirka Ruushka ee Seoul si ay uga mudaaharaado kordhinta iskaashiga milatari ee u dhexeeya Pyongyang iyo Moscow.

Safiirka Ruushka ayaa laga soo xigtay in iskaashiga u dhexeeya Ruushka iyo Kuuriyada Waqooyi aanu bartilmaameedsanayn danaha ammaanka ee Kuuriyada Koonfureed.

Dhanka kale, madaxweynaha Yukrayn Volodymyr Zelensky ayaa ku baaqay falcelin xooggan oo caalami ah oo ku aaddan wax uu ku tilmaamay ku lug lahaanshaha weyn ee Kuuriyada Waqooyi ay ku lug yeelaneyso dagaalka ay kula jirto Ruushka, wuxuu sheegay sidoo kale in lahayo cadeymo muujinaya in Kuuriyada Waqooyi ay san kaliya u dirn Ruushka qalab ciidan, ee sidoo kale u dirtay ciidan.

Hay’adda sirdoonka qaranka Kuuriyada Koonfureed (NAS) ayaa Jimcihii xaqiijisay in Kuuriyada Waqooyi ay go’aansatay in ay u dirto “askar” Ruushka si ay uga taageeraan dagaalka ka dhanka ah Yukrayn, waxaana ay sheegtay in bishan udaheeda ay dirtay Ruushka ilaa 1,500 askari oo ah ciidamada hawlgalada gaarka ah.

Marka loo eego qiyaasaha sirdoonka Kuuriyada Koonfureed, Kuuriyada Waqooyi ayaa soo diri karta ilaa 12,000 oo askari si ay u taageeraan Ruushka.

Ruushka ayaa horey u beeniyay inuu ciidamada Kuuriyada Waqooyi u adeegsaday dagaalka ka dhanka ah Yukrayn, halka warbaahinta dowladda Kuuriyada Waqooyi aysan ka hadlin arrintan.