Waraabiye News Agency
Duqeymo ka dhacay agagaarka Beyruut iyo Xisbullah oo duqeeyeen beeraha Heyfa iyo Shebcaa.
Duqeymo ka dhacay agagaarka Beyruut iyo Xisbullah oo duqeeyeen beeraha Heyfa iyo Shebcaa.
Wariyaha Aljasiira ayaa sheegay in ciidamada guumaysiga Israa’iil ay dhowr duqeymo cirka ah ka fuliyeen duleedka koonfureed ee magaalada Beyruut ee caasimadda Lubnaan subaxnimadii Axada, sidoo kale waxay duqeeyeen tuulooyin iyo magaalooyin ku yaala koonfurta Lubnaan, halka Xisbullahna ay duqeeyeen Heyifa iyo beeraha Shebcaa ee la haysto.

Weriyaha ayaa soo sheegay in Israa’iil ay mar kale duqeymo ka geysatay deegaanka Xariik ee duleedka koonfureed ee Beyruut.

Iyadoo ciidanka guumaysiga Israa’iil ay horay u soo saareen digniin ah in laga guuro dhismayaal badan oo ku yaalla Xariik iyo deegaanka Xadath ee kuyaala duleedka koonfureed ee Beyruut.

Digniinta daad-gureynta Israa’iil ayaa waxaa ka mid ahaa labo goobood oo ku yaalla duleedka koonfureed ee Beyruut, iyadoo la filayo in duqeymo la qorsheynayo in lagu qaado laba dhismo oo ay sheegtay in ay ku yaallaan xarumo ay leeyihiin Xisbullah.

Wariyaha ayaa intaa ku daray in madaafiicda Israa’iil ay duqeeyeen magaalada Shebcaa ee koonfurta Lubnaan, sidoo kale diyaaradaha dagaalka Israa'iil ayaa duqeymo ka bilaabay magaalooyinka Khiyaam iyo Deybah ee koonfurta Lubnaan.

Lama soo sheegin wax qasaara nafeed ah oo ay geysteen duqeymahan.