Waraabiye News Agency
Madaxweynaha Shiinaha ayaa ugu baaqay ciidamada dalkiisa inay u diyaar garoobaan dagaal
Madaxweynaha shiinaha, Shii jinbing Madaxweynaha Shiinaha ayaa ugu baaqay ciidamada dalkiisa inay u diyaar garoobaan dagaal.

Madaxweynaha Shiinaha shii Jinbing ayaa todobaadkan ugu baaqay ciidamada dalkiisa inay xoojiyaan diyaargarowga dagaal, maalmo uun ka dib markii Beyjiin ay dhoolatus ciidan oo ballaaran ku sameysay agagaarka Taywaan, sida ay sheegtay warbaahinta dowladdu Sabtidii.

Wuxuu yiri shii isagoo booqanaya guuto ka tirsan Ciidanka Gantaalada ee Ciidanka Shiinaha Khamiistii "in ay xoojiyaan tababarka iyo iney u diyaargaroobaan diyaargarow dhamaystiran dagaal, ayna xaqiijiyaan in ciidamadu ay leeyihiin awood dagaal oo adag."

Shii ayaa intaa ku daray in askartu ay tahay inay "xoojiyaan istaraatiijiyada ka hortagga iyo awoodahooda dagaal."

Waxa uu sheegay in ciidamada Shiinuhu ay tahay in ay "si adag u ilaaliyaan ammaanka istaraatiijiga ah ee dalka iyo danaha siyaasiga ah," sida uu u sheegay kanaalka CCTV ee dowladdu maamusho.

Shiinuhu waxa uu jasiiradda Taiwan u aqoonsan yahay qeyb muhiim ah oo ka mid ah dhulkiisa, isagoo ku nuuxnuuxsaday inuu doonayo inuu dib u soo celiyo, xitaa haddii loo baahdo in xoog lagu soo celiyo.

Isniintii lasoo dhaafay, Beyjiin ayaa geysay diyaarado dagaal, diyaarado aan duuliye lahayn, maraakiib dagaal, iyo doomo ilaalada xeebaha, agagaarka taywaan iyadoo mataleyda hareereynta Taywaan, wuxuuna ahaa tababarkii afaraad ee shiinuhu uu sameeyo laba sano gudihiis.