Waraabiye News Agency
Qofkii ugu horeeyay ee Soomaali ah oo lagudoon siiyay Biladda Nansen Refuqee Award oo maanta loo aqoonsaday Xaawo Aadan Maxamed.
Hooyo Soomaaliyeed oo loo aqoonsaday Biladda Nansen Refuqee Award sanadka 2012, Maama Xaawa Aadan Maxamed ayaa noqotay qofkii ugu horeeyay ee Soomaalia oo loo aqoonsado bilada Nansen Refuqee Award.

Bilada ay bixiso United Nations High Commissioner for Refugeesee lagu magacaabo Nansen Refuqee Award, oo sanad kasta lagu gudoonsiiyo qof shakhsi ama Koox wax ka qabatay dhibaatooyinka heesta qaxootiga .

Xaawa ayaa lagu siiyay biladdan maadaama ay wax ka qabatay dhibaatooyinka heestay Dumarka Soomaaliyeed ee kasoo qaxay magaala madaxda Muqdisho xiligii ay ciidamada Itoobiyaanka burburiyeen magaalada.

Xaawo Aadan ayaa u sameesay xarun ay ku tababarto dumarka si ay isku filnaansho xaga nolosha ka gaaraan, sida Barashada Hidaha dhaqanka , tolida dharka iyo farshaxanka, Hanqaarka guud ahaan iyo goob ay wax ku bartaan dumarka iyo dhalaanka, Xarumahaas ayaa waxaa ay ka sameesay magaalda Gaalkacyo ee dalka Soomaaliya.