Waraabiye News Agency
Gayigeena hodonka ah gaajadda maxaa baday, gurboodkeena ubaxaa geerida maxaa baday!!??.
MAANSO AAD U XIISA BADAN Geeraar ma dirinoo gu, Horaan ka haajiray, gabayana ma qorinoo goor horaan warkii dhigay.Gogol xariira uma fidin guurowgiyo ciyaraha, shirib goobo uma xirin.gadoon xiisa uma qabo. guux wisaqana daa.gocashase iitimid.gudoon dowladnima. iyo gobonimadi qarankaa. galbta laysu keenoo.garwadeen xaqaaniya. gurigii ummada iyo.madaxtoyo soogalay. geesinnaan ka qabanoo. guule aan u barinaa. gashigeenu yahayee.adigunagudoonsoo.

gabay qiiro badan iyo. geeraar usoo tiri. gayigeena hodankaa. gaajadamaxaa baday .gurboodkena ubaxaa. geerida maxaa baday. gaadaha qoryahasuran. garwaxeydaka minada. gablankiyo dhibatada. guroftaan faqigugalay. gayigena yaadhigay. gumeytahan. madowee. guryeheena meersaday.yaa goroda noo suray. gabdhehena ugubka. guunaydaan lahayniyo.dhaqankeeni gaamuray. yaa katuuray gabi dheer. goodkiyo abeesada.guntiga aadku wadataan. iska gooya gafanaha. dhiigini gororsaday.gumeestaha kalkaalkaa. gaday xeebeheenii. calankeeni gaasiray.

galabtey gudboontahay. inad garabka siisan. geesigaan inoo kacay.guulow ilaahow. gacmahaynu hoorsanay. galadaan ku waarniyo. gayigoobarwaaqaa. godob aaney jirino. gacaliyo xigaaladu. guryahayskubooqdaan. gabdho layasa siiyoo. gabladiyo aroosyada. gaaf laysu xiraoo. guurtidiyo duqowduna. garwadeen yihiinoo. xaqa ay garanayaan.garsoo nabada jecliyo. gobonimo nagaarsii. adigaa garanaye rabowgeesta nooroon.