Waraabiye News Agency
Taageerayaasha Chelsea Oo Carro Kala Dul Dhacay Rafa Benitez Iyo Torres Ka Dib Guuldaradii Swansea.
Rafa Benitez ayaa wajahay taageerayaal careysan ka dib markii guuldarro lama filaan ah oo 2-0 ay gurigooda kaga soo gaartay kooxda Swansea lugta hore ee semi-finalak Capital One Cup.

Michu iyo Danny Graham ayaa ka faa’ideystay qaladaad waa weyn labadii qeyb ee ciyaarta, taasoo ka dhigtay inay Swansea 90 daqiiqo kaliya u jirto inay Wembley ku ciyaarto finalka koobkaan bisha soo socota.

Laakiin iyadoo taageerayaasha ay ku baaqayeen in madaxiisa la keeno, Benitez ayaa sheegtay: “Waan ku faraxsanaa sida aan u ciyaarnay, hadii aan sidaas u ciyaarno, sagaal kulan oo ka mid ah 10 kulan waa badin doonaa.”

Taageerayaasha ayaa ku heesayay magacyada Jose Mourinho iyo tababarihii Champions League u qaaday Roberto Di Matteo qeybtii labaad ee ciyaarta, iyadoo xilli ciyaareedka Chelsea uu weli sii muuq beelayo.

Ka dib markii ay dalbadeen in ciyaarta la soo geliyo Frank Lampad, waxa ay sidoo kale ku heeseen xiddiga cusub Demba Ba iyo in la bedelo Fernando Torres iyadoo jawiga Stamford Bridge uu noqday mi carro ay ku hareereysan tahay.

Ba ayaa gool looga diiday offside inkastoo ku celiskii la daawaday ay muujineysay inuu la sinaa difaacyada, halka sidoo kale weeraryahanka jaale lagu siiyay inuu istuuray markii goolhayaha Swansea Gerhard Tremmel uu taabtay.

Benitez ayaa yiri: “Waxaad dhiraan dhirineysaa arimahan oo dhan sababtoo ah inkastoo la inagala badiyay hadana xaqiiqda waxa ay tahay inaan helnay 23 fursadod.

“Waa inaan halis ku noqonaa goolka hortiisa oo aan dhameystirnaa fursadaha. Goolkii la diiday gool ayuu ahaa, iyo rigoore, jaalena uma uusan qalmin.”