Waraabiye News Agency
22 qof ayaa ku dhintay qarax ka dhacay busteejo tareenada laga raaco oo ku taal gobolka Baluushistan ee dalka Baakistan.
22 qof ayaa ku dhintay qarax ka dhacay busteejo tareenada laga raaco oo ku taal gobolka Baluushistan ee dalka Baakistan.

Maanta oo Sabti ah, 22 qof ayaa ku dhintay 46 kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay goob tareenada laga raaco oo ku taalla magaalada Quyiita ee xarunta gobolka Baluushistan Koonfur-galbeed Pakistan.

Maxamed Balwash, oo ah taliyaha howlgallada booliska ayaa sheegay in bam uu ku qarxay gudaha busteejada tareenka xilli uu u dhaqaaqi rabay magaalada Bishaawar oo uu ku sii jeeday.

Afhayeen u hadlay dowladda ayaa sheegay in dhimashadu ay u badan tahay in ay kororto maadaama qaar ka mid ah rakaabkii dhaawacmay ay xaaladoodu liidato.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Baakistan ayaa wajaheysa weeraro hubeysan oo ka dhacaya waqooyi galbeed ee dalkaasi iyo kacdoon gooni u goosad oo ku soo badanaya koonfurta.

Xoogaga gooni u goosadka ah ee Baluushistan ayaa inta badan beegsada shaqaalaha ka imaanaya gobolada kale ee Baakistan, marka lagu daro shirkadaha ajnabiga ah, waxaana ay aaminsan yihiin in ay ka boobayaan kheyraadka Baluushistan.

Markii sii horeysay, gooni-goosadayaashu waxay bartilmaameedsadeen danaha Shiinaha iyo Shiineyska ka shaqeynayay gobolka.